"Labada Telefishan Ee SAAB Iyo STAR, Waxay Si Anshaxa Saxaafadda Ka Baxsan u Buun-buuniyeen Kooxda Caarre,Xisbiyada WADDANI iyo UCID...."Wasiirka W.Somaliland Mr.Guri-Barwaaqo

0
Wednesday November 07, 2018 - 14:17:36 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Labada Telefishan Ee SAAB Iyo STAR, Waxay Si Anshaxa Saxaafadda Ka Baxsan u Buun-buuniyeen Kooxda Caarre,Xisbiyada WADDANI iyo UCID...."Wasiirka W.Somaliland Mr.Guri-Barwaaqo

    Hargeysa-(Caalami-News)-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo siyaasadeeyey eedaha loo soo jeediyey Telefishannada SAAB TV

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo siyaasadeeyey eedaha loo soo jeediyey Telefishannada SAAB TV iyo STAR TV, oo ku eedaysan inay faafiyeen war xadgudub ku ah qaranimada JSL.



Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu ku saxeexnaa La-taliyaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), ayaa u dhignaa sidan:-



"Ma Jirto wax cabudhin ah oo Wasaaradda Warfaafintu ku hagaasinaysoSaxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland oo aanu u aragno tiir jiritaankiisu muhiim u yahay dimuqraadiyadda iyo dowladnimada Somaliland, hase ahaatee waxa looga fadhiyaa warbaahinta inay dabbaqdo xeerarka iyo shuruucda dalka isla markaana ka dhawrsato wixii dhaawacaya qaranimada JSL.


Sida uu dhigayo xeerka SaxaafaddaSomaliland, Xeer NO. 27/2004, waxa warbaahinta xaaraan ka ah in ay baahiso warar ku lug leh arrimaha ciidammada iyo sidoo kale kuwa been abuurka ah, sidaas awgeed, waxa wasaaraddu soo saartay 30/9/2018 qoraal warbaahinta looga digay baahinta wararka lafjabka ku ah qaranimada JSL, iyadoo aanu ku ammaanayno in Saxaafadda inteeda badani ay xushmeeyeen qaraarkii wasaaradda.



Labada Telefishan ee SAABTV iyo STAR TV, waxay si anshaxa saxaafadda ka baxsan u buunbuuniyeen kooxda Caarre, waxaanay si jar iska xoornimo ah u dhex galeen arrimaha ciidammada qaranka oo ay ka faafiyeen war aan sal iyo raadtoona lahaynoo hiil u ah cadowga Somaliland.


Sidaas awgeed, waxayWasaaradda Warfaafintu dacwad u gudbisay xeer ilaalinta guud ee qaranka si ay waajibkooda uga qabsataan xadgudubka ay sameeyeen labadaas Telefishan, waana mid ay xaq u leeyihiin inay iska difaacaan sharciga horitiisa.



Haddaba, waxa la yaable xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, oosiyaasadeynaya eedaha lagu soo oogay labada Telefishan ee Saab Tv iyo Star TV, waxaana xisbiyada mucaaridka ah looga baahan yahay inay xurmeeyaan wadajirka iyo dowladnimada Somaliland oo aanu hiilkoodu noqon mid u muuqanaya inay taageerayaan Somaliland diidka mangansaday cadowga Somaliland.”



Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip