Bannaanbax Ballaadhan Oo Maanta Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho [+SAWIRRO]

0
Wednesday November 07, 2018 - 15:02:17 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bannaanbax Ballaadhan Oo Maanta Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho [+SAWIRRO]

    Muqdisho-(Caalami-News)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu maanta goordhaw bannaan bax looga soo horjeeday dil ay shalay Ciidamada AMISOM degmada Hiliwaa ugu geysteen dad shacab ah uu ka dhacay Isgooska Tarabuunka ee mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu maanta goordhaw bannaan bax looga soo horjeeday dil ay shalay Ciidamada AMISOM degmada Hiliwaa ugu geysteen dad shacab ah uu ka dhacay Isgooska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.



Dadka bannaan baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay uga soo hoprjeedeen Ciidamada AMISOM oo shalay si naxariis daro ah afar qof oo shacab ah u dilay kadib qarax loo dhigay.


Bannaan baxayaasha ayaa ugu baaqayay dowlada Federaalka Soomaaliya in ay qaado talaabo deg deg ah ayna cadaalada marsiiso ciidamadii AMISOM ee shalay dilay afar qof oo rayid ahaa.




Dibad baxayaasha ayaa xidhay laamiga Tarabuunka waxa ayna is hortaag ku sameeyeen kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada AMISOM kuwaa oo markii dambe wadada xoog ku maray kadib rasaas ay fureen.


Ciidamada AMISOM ayaa shalay magaalada Muqdisho ku dilay afar qof oo ku sugnaa agagaarka Isgooska SOS, waxaana ehelada dadka la dilay sheegeen in aan la aasi doonin marxuumiinta ilaa wax laga qabto ciidamadii dadkaasi dilay.





Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip