Madaxweynihii Hore Ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Maanta Maxkmad Midii Hore Kaduwan Lasoo Taagi Doono [Akhriso Faah-Faahin]

0
Friday November 09, 2018 - 10:25:06 in Wararka
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Maanta Maxkmad Midii Hore Kaduwan Lasoo Taagi Doono [Akhriso Faah-Faahin]

    madaxweyniyii hore ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shalay la hor keenay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa islamarkaana ay amartay in markii shanaad xabsiga lagu hayo madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

madaxweyniyii hore ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shalay la hor keenay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa islamarkaana ay amartay in markii shanaad xabsiga lagu hayo madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa haddana warar lagasoo xiganayo ilo ka agdhow ay sheegayaan in maanta oo jimce ah hadana maxkamaddu amartay in maanta lagusoo celiyo isla maxkamadda




Ma cadda sababta isbeddelkan degdegta ah loo sameeyey, hase yeeshee maxkamaddan ayaa la sheegayaa inay ka duwanaan doonto darajo ahaan tii la geeyey afartii jeer ee hore.



Iluhu waxay sheegayaan inay kaga duwanaanayso qaabka dacwad qaadidda, ayadoo ay dhegeysiga kiiska ku lug yeelanayaan xeer ilaalinta, iyo xubno ka socda wasaaradda cadaaladda oo aan maxkamadihii hore ku lug lahayn.



Waxaa kale oo iyagana soo baxay warar ku saabsan in markhaatiyaal la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena "ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar".


Waxaa kale oo iluhu ay sheegayaan in wixii maxkamaddan ka soo baxa loo gudbin doono tii afarta goor ee hore la hor geeyey.

Maxkamaddaas hore ayaa la sheegayaa in ay leedahay go'aanka ah inay qaadato ama diiddo go'aanka maxkamaddan Cabdi la horgeyn doono.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xukunka ka degey horraantii bishii Agoosto, ka dib markii rabshado ka dhacay magaalada Jigjiga ay ku fideen deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Bariga Itoobiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip