
Shirkadda TELESOM Oo Ictiraaf Teknoolajiyadeed U Soo Hoysay Somaliland Iyo Sababaha Lagu Xushey [Akhriso Faah-faahinta]
Guddoomiyaha#Telesomayaa ku
guulaystay agaasimaha ugu saamaynta badan Qaaradda Afrika dhinaca
teknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta sannadka 2018. Abaalmarintan ayaa Abdikarim
Mohamed Eid lagu guddoonsiiyay magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika.
Xafladdan waxaa kasoo qayb galay 14,000 oo qof oo ka socday
shirkaddaha isgaadhsiinta iyo teknoolajiyadda ee qaaradda Afrika.
Shirkadda Telesom ayaa lagu soo xushay saddexdan arrimood:
1. #Telesom waa shirkaddii ugu horreysay ee dunida
ka hirgelisay adeega sarrifka lacagta mobilka (Mobile currency exchange platform)
2. #Telesom waa shirkaddii 5aad ee dunida ka
hirgelisay adeega lacagta mobilka ee ZAAD.
3. #Telesom waxay kor u qaaday dhaqaalaha
Somaliland isla markaana waxay bulshada usoo bandhigtay adeegyo casriga sida
Cloud service iyo Vas (Value added service).
Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, Mr. Abdikarim Mohamed Eid (CEO) ayaa ku guuleystay abaalmarinta "Hoggaamiyaha Ugu Wanaagsan Afrika” ee Hurumarinta Isgaadhsiinta & Teknoolajiyadda.
Abaalmarintan oo 14-kii November 2018 lagaga dhawaaqay Shirweynaha AfricaCom oo ay isugu yimaadaan in ka badan tobanaan kun oo qof oo ka socda Shirkadaha Teknoolajiyadaha & Isgaadhsiinta ee Caalamka oo ku qabsoomay Magaalada Cape Town ee dalka South Afrika.
Caalaminews/Hargeysa
info@caalaminews.com