[Caalaminews Staff Writer]:-Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Deegaannada Uu Ku Soo Foolleeyahay Caawa, Habeen Dambe + Xilliga Uu Soo Guryo-noqonayo

0
Monday November 26, 2018 - 14:04:27 in Wararka by
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Caalaminews Staff Writer]:-Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Deegaannada Uu Ku Soo Foolleeyahay Caawa, Habeen Dambe + Xilliga Uu Soo Guryo-noqonayo

    Hargeysa-(Caalami-News)-Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigii uu hoggaaminayey oo dhawaan safarro shaqo ah ku marayey gobolada Bariga Somaliland ayaa maanta ku sugan wakhtil xaadirkan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigii uu hoggaaminayey oo dhawaan safarro shaqo ah ku marayey gobolada Bariga Somaliland ayaa maanta ku sugan wakhtil xaadirkan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.





Weftigii uu hogaaminaayey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo xalay u hoyday magaalada Ceel Afweyn ee gobalka Sanaag ayaa saaka ka soo baxay magaalada Ceel Afweyn ee gobolkaasi,waxaana ay soo gaadhey magaalada Ceerigaabo.



Weftiga madaxweynaha ayaa saaka u kicitimay dhinaca magaalada Ceerigaabo , halkaas oo qaban qaabada soo dhaweyntiisa laga dareemaayo , waxaana la filayaa in madaxweynuhu uu reer Ceerigaabo meel fagaare ah kala hadlo.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigii uu hoggaaminayey ayaa la filayaa in habeen dambe oo Arbaco ah ay ku soo hoydaan magaalada Burco oo ay halkaasi seexdaan, waxaana uu magaaladaasi madaxweynuhu kula kulmi doonaa wax-garadka, cuqaasha iyo acyaanta magaaladaasi, sidaasina waxaa noo xaqiijiyey ilo xog-ogaal ah oo u dhuun-daloola socdaalka madaxweynaha.



Wararka ay heleyso Shabakadda Caalaminews.com ayaa sheegaya in la filayo in maalinta Arbacada ee foodda innagu soo haysa haddii Illaahay idhaahdo uu madaxweynuhu ku beegan yahay magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil, halkaasi oo la filayo in uu madaxweynuhu khud-bad ka jeediyo.


Geesta kale wararka ay heleyso shabakadda Caalaminews ayaa sheegaya in haatan magaalada Sheekh laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigisii uu hoggaaminayo.


Isla maalinta Arbacada ayaa la filayaa in Madaxweyne Biixi iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa ay qadada ku qoran yihiin magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Waxaana wararka aanu heleynaa sheegayaan in uu madaxweynuhu toos u soo dhaafi doono magaalada Berbera,waxaana ay u soo dhaafi doonaan caasimadda Hargeysa iyo hoyga madaxtooyadsa.



Caalaminews Staff




Caalaminews/Hargeysa
info@caalaminews.com
 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip