Muqdisho:-Sheekh Xasan Daahir Oo Kooxda Al-Shabaab Ku Taageerey Weerarkii Cabdiwali Cilmi Yare Ay Ku Dileen Ee Kismaayo

0
Tuesday December 04, 2018 - 14:08:58 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Sheekh Xasan Daahir Oo Kooxda Al-Shabaab Ku Taageerey Weerarkii Cabdiwali Cilmi Yare Ay Ku Dileen Ee Kismaayo

    Muqdisho-(Caalami-News)-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ku ah Xabsi guri, ayaa muuqaal uu iska soo duubay oo Baraha Bulshada lagu faafiyay wuxuu kaga hadlay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen 26-kii Bishii la soo dhaafay guri Magaalada Gaalkacyo u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ku ah Xabsi guri, ayaa muuqaal uu iska soo duubay oo Baraha Bulshada lagu faafiyay wuxuu kaga hadlay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen 26-kii Bishii la soo dhaafay guri Magaalada Gaalkacyo uu ka daganaaa nin lagu magacaabi jiray Cabdiwali Cilmi Yare iyo xer dhalinyaro u badan uu halkaasi ku haystay.



Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa sheegay in weerarkaasi dadkii fuliyay ay ka farxiyeen shacabka Somaliyed, wuxuuna ku taageeray Shabaab fulinta weerarkaasi oo uu sheegay bulshada Somaliyed inay soo dhaweeyeen.

 


Sheekha ayaa sheegay Shabaab inkastoo fulinta weerarkaasi ay kaga farxiyeen bulshada, haddana ay sameeyaan xilliyada qaar inay fuliyaan weeraro ay kaga oohiyaan shacabka Somaliyed.

 



"Qoladii sameysay waa ku ammaanan yihiin, waana dareemayaa Somalida dhan ayaan la wadaagayaa nin kasta oo Islaam ah oo garanaayay ninkaasi & fidnadiisa ay gaartay waa ay ku faraxsan yihiin, wixii ay bi’iyeen oo hadhow marna dadka ka farxiyaan marna ay ka oohinayaan ceebtaasi waa leeyihiin, laakiin acmaashooda ilaahey ayaa ku xisaabayaa.” Ayuu yidhi Sheekh Xasan Daahir Aweys.


 

Isaga oo hadalka siiwata Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxa uu tilmaamay dalka inaysan ka jirin dowlad Islaami ah oo fulisa xukunada noocaasi oo oo kale ah oo loo gaysto dadka gefafka diinta ka gala.


 

Waxa uu tusaale u soo qaatay xubno dowladda ka tirsan oo ay ka wada doodeen fulinta xukunada Islaamiga ah, kuwaasi oo ku dooday in dowladda ay fuliso Xukuno islaaami ah, balse Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay Xukunada dowladda ay fuliso inay yihiin kuwa amniga galay, laakiin aysan aheyn arrin loo fulinaayo hanaan dowlad Islaami ah oo xittaa Xukunada qaar la isku haysto.


 

Bulshada Somaliyed ayaa ku kala aragti duwanaaday markii uu dhacay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Xertii Cabdiwali Cilmi Yare oo 18 qof oo wadaadkaasi, Xaaskiisa iyo carruur uu dhalay ay ku dhinteen weerarkaasi.

Natiijada sawirka XASAN DAAHIR


 

Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip