Muqdisho:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Kulan Deg-deg Ah Isugu Yeedhey Guddiyada Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka

0
Tuesday December 04, 2018 - 14:01:35 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 12
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Kulan Deg-deg Ah Isugu Yeedhey Guddiyada Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka

    Muqdisho-(Caalami-News)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan deg deg ah isugu yeedhay Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(Caalami-News)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan deg deg ah isugu yeedhay Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka.




Kulanka ayaa lagu waddaa in uu dhaco galabta, waxaana diiradda lagu saari doonaa Dejinta Ajendeyaasha Golaha Shacabka ee Bishan.

 


Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli wali ay taagan tahay xiisad ka dhalatay kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, oo xildhibaanada qaarkood ay walaac ka muujiyeen.

 

Kulankan deg deg ah ayaa kusoo beegmaya xilli Afartii Kulan ee ugu dambeysay ee golaha Shacabka uu baaqday.



 

Wadahadal saacaddihii lasoo dhaafay u socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxda ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la isku mari waayay.


 

Waxyaabaha Wadahaddalada looga hadlaayay waxaa ka mid ahaa Kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ciidankii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay geystay Baydhabo iyo Musharaxnimadda Sheekh Mukhtaar Roobow.


 

Waxaa soo ifbaxaya in Guddoomiye Mursal uu aad ugu dhegan yahay saddex qodob, diideyna inuu wada xaajood ka geli doonin.


 

Qodobada uu Guddoomiyaha ka biya diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah

 

  1. In Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo
  2. In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin
  3. In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan.

 



Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip