Cabdikariin Camey:-"Xamar La Igama Soo Dhiibin Tallaabooyinka Aan Qaadayo Ee Ka Dhanka ah Gaas, Umadda Reer Puntland Waxaan u Sheegayaa..."

0
Tuesday December 04, 2018 - 14:16:43 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdikariin Camey:-"Xamar La Igama Soo Dhiibin Tallaabooyinka Aan Qaadayo Ee Ka Dhanka ah Gaas, Umadda Reer Puntland Waxaan u Sheegayaa..."

    Garoowe-(Caalami-News)-Madaxweyne Kuxigeenka dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa markii u horreysay ka hadlay wararka la xidhiidha in Dowladda Somaliya ka danbeyso go'aanada ka dhanka ah Madaxweyne Gaas ee uu maal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe-(Caalami-News)-Madaxweyne Kuxigeenka dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa markii u horreysay ka hadlay wararka la xidhiidha in Dowladda Somaliya ka danbeyso go'aanada ka dhanka ah Madaxweyne Gaas ee uu maalmihii danbe qaadanayay.




 

 

Camey ayaa shalay magaacabay Guddiga kale oo Xallinta khilaafaadka Baarlamaanka soo socda ee Puntland, taasoo jawaab u aheyd guddigii uu magacaabay Madaxweyne Gaas.


 

Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa meesha ka saaray in Muqdisho ay ka socoto tallaabooyinka uu qaadayo, Isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya aanay wax door ah ku leheyn khilaafka kala dhexeeya Madaxweyne Gaas.



 

Villa Somaliya ayuu sheegay iney inta badan la xidhiidho Madaxweyne Gaas, isagana wali aaney wax lacaga ah u raadsan, si uu ugu sameeyo arrimaha ay kaga baahan yihiin Puntland.


 

"Umadda reer Puntland waxaan u sheegayaa, Puntland baan aniga ahay iyada ayaanna u dhimanayaa, meel aan u socdaana majirto, Xamar baan u socon Mareykan oo Baasaboorkiisa leeyahay baa laga yaabaa inaan Fasax u aadoā€¯ayuu yidhi Cameey Wareysi uu siiyay Warbaahinta gudaha ee Puntland.


 

Si kastaba doorashada Puntland oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar 40 Cisho, ayaa durbadiiba waxaa Hogaankeeda hadheeyay Khilaafaadka taasoo sabab u noqon karta in dib u dhac uu ku yimaado Doorashada Madaxtinimo.




 

Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip