Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Dhawaan Bilaabayso Dhoofinta Shidaalka Lagahelay Deegaanka Soomaalida.

0
Thursday December 06, 2018 - 16:03:44 in Wararka
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Dhawaan Bilaabayso Dhoofinta Shidaalka Lagahelay Deegaanka Soomaalida.

    Dalka Itoobiya ayaa Markii ugu horeysay waxay isku diyaarinaysaa inay shidaal u dhoofiso dibeda, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Itoobiya ayaa Markii ugu horeysay waxay isku diyaarinaysaa inay shidaal u dhoofiso dibeda, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee dalkaasi.


Dowlada ayaa sheegtay soo saarista shidaalka Degaanka Soomaalida laga helay in lagu soo gabagabeeynayo saddex sano.

Qasala Tadese oo kamid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda Tamarta ee Itoobiya ayaa sheegay in muddo 3 sano ah lagu soo geba gebeynayo qorshaha ku aadan diyaarinta hanaanka shidaal dhoofinta iyo soo saaristiisa.


Itoobiya ayaa sheegaysa in ay qodayso boqolaal ceel shidaal iyo in la fuliyo mashaariic waaweyn si loo helo fursad sahlaysa in dalka uu soo saaro shidaal, waxaana shidaalkaasi laga heley degaanka Soomaalida ee Itoobiya, ka dib markii bishii June ee sanadkan ay wasaaraddu sheegtay in keyd shidaal laga heley dhulka Soomaalida ee ku yaalla Bariga Dalkasi Itoobiya.



Raiisul wasaaraha dalkaasi Itoobiya Dr Abay Axmed ayaa laga soo xigtay isagoo shacabka ugu hambalyaynaya in dalkiisa uu soo saarayo 450 fuusto shidaal maalinkasta.

Meelaha ilaa iyo haatan laga heley shidaalka waxaa kamid degaanada Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella, balse shidaalka laga helay dhulka Soomaalida ayaa ah mid u diyaarsan soo saarista.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip