[Berbera]:-Garaad Maxamed Jibriil Cilmi Faarax Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey Boobe Hantiyeed Oo Ay Bilaabeen Dowladda Hoose Iyo Farriin Uu U Direy Madaxweyne Biixi

0
Wednesday January 09, 2019 - 14:50:29 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Berbera]:-Garaad Maxamed Jibriil Cilmi Faarax Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey Boobe Hantiyeed Oo Ay Bilaabeen Dowladda Hoose Iyo Farriin Uu U Direy Madaxweyne Biixi

    Berbera-(Caalami-News)-Garaad Maxame Jibriil Cilmi Faarax oo ka mid ah wax-garadka iyo garaadada gobolka Saaxil ayaa sida fiinta uga qayliyey boob dhinaca dhulka oo ay bilaabeen mas'uuliyiinta dowladda hoose ee magaalada Berbera ee gobolka Saaxi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera-(Caalami-News)-Garaad Maxame Jibriil Cilmi Faarax oo ka mid ah wax-garadka iyo garaadada gobolka Saaxil ayaa sida fiinta uga qayliyey boob dhinaca dhulka oo ay bilaabeen mas'uuliyiinta dowladda hoose ee magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.




Garaad Maxame Jibriil Cilmi Faarax oo khadka taleefanka ugu warramayey shaqaalaha shabakadda Caalaminews ayaa sheegey in mas’uuliyiinta dowladda hoose ee magaalada Berbera ay bilaabeen qorshey iyo tallaabooyin ay iskaga hor keenayaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

 



Garaadka ayaa iftiimiyey in mas’uuliyiinta dowladda hoose ee Berbera ay si xaq darro ah jagooyinka bannaan uga qaadaan dadka xaqa u leh, isla markaana ay siinayaan dad gaar ah oo aan lahayn jagooyinkaasi.


"Dowladdii hoose ee magaalada Berbeara waxay bilowdey in ay jagooyinka dadkii xaqa u lahaa ay ka qaadaan oo ay siiyaan dad aan lahayn oo ay iyagu daba karriixayaan"Ayuu yidhi Garaad Maxame Jibriil Cilmi Faarax.


Garaadka ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegey in ay tallaabadaasi ka dhalan karaan cawaaqib xumo, taasi oo uu sheegey in muwaadin walbaa uu difaacan doono hantidiisa.


"Tallaabadan iyo dhaqamadan ay bilaabeen mas'uuliyiinta dowladda hoose ayaa waxaa ka dhalan kara cawaaqib xumo, waxaana ay sababi kartaa in muwaadin kastaa ama qof walbaa uu difaacdo dhulkiisa".Ayuu yidhi Garaad Maxame Jibriil Cilmi Faarax.


Garaadka ayaa farriin hawada u mariyey madaxweynaha Somaliland oo uu sheegey in uu wax ka qabto boobkan ay bilaabeen mas'uuliyiinta dowladda hoose ee magaalada Berbera.



Si kastaba ha ahaatee arrintan uu ka dhawaajiyey Garaad Maxame Jibriil Cilmi Faarax ayaa ah dhacdo aan ugub ku ahayn dowladaha hoose ee dalka.






Ka bilow bidix Maayerka iyo golaha deegaanka Berbera (Dhanka Midig) Garaad Maxamed J.Cilmi Faarax



 

Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip