Natiijada Cod-bixinta Doorashada Dalka Congo Oo La Iclaamiyey

0
Thursday January 10, 2019 - 15:01:40 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada Cod-bixinta Doorashada Dalka Congo Oo La Iclaamiyey

    Koongo-(Caalami-News)-Musharaxa kaalinta labaad ka galay doorashadii madaxtinimo ee dalka jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, ayaa ku gacan seedhay natiijada rasmiga ah oo muujisay in Feilx Tshisekedi uu ku guuleystay doorashadii dhacday 30-kii D

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koongo-(Caalami-News)-Musharaxa kaalinta labaad ka galay doorashadii madaxtinimo ee dalka jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, ayaa ku gacan seedhay natiijada rasmiga ah oo muujisay in Feilx Tshisekedi uu ku guuleystay doorashadii dhacday 30-kii December, kuna qeexay mid been abuur ah.





 

Guddiga doorashada dalkaas ee CENI ayaa goor hore oo khamiista maanta ah ku dhawaaqay in Tshisekedi uu helay 38% codadkii la tirayey.

 

Natiijada ayaa ka yaabisay kormeerayaasha, maadaama codadka ra’yiga ee ka hor doorashada ay saadaaliyeen in hoggaamiyaha kale ee mucaaradka Martin Fayulu uu ku guuleysanayo doorashada.



 

Martin Fayulu oo helay 34% codadka ayaa ku eedeeyey guddiga doorashada inay fuliyeen "afgmabi doorasho”, wuxuuna ugu baaqay Kaniisadda Katooliga inay shaaciso natiijada cod ururinteeda madaxa banaan.


 

Diblomaasiyiin badan ayaa warbaahinta u sheegay in codadka ay xisaabiyeen kooxda kormeerayaasha kaniisadda ay muujinayaan in Fayulu uu ku guuleystay doorashada.

 

Wasiirka arrimaha dibedda Franasiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa sidoo kale shaki ka jujiyey natiijada, isaga oo u sheegay taleefishinka Faransiiska ee CNews in natiijada rasmiga ah iyo codadka la xisaabiyey aysan is-waafaqsaneyn.

 

Natiijada rasmiga ah ayaa sare usii qaadi doonto xan sheegeysay in madaxweynaha xilka ka degaya ee Joseph Kabila uu heshiis la galay Tshisekedi si uu ugu dhawaaqo inuu doorashada ku guuleystay.


 

Emmanuel Ramazani Shadary, oo uu madaxweyne Kabila u xushay inuu beddelkiisa noqdo, ayaa kaalinta saddexaad oo aad u fog galay.


Martin Fayulu

 

Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip