"Oday Cabdi Haybe Wuxuu Yidhi 'Fadal Hala Ixtiraamo' Hadalkiisu Ma Hiil Taliyaa Mise Waa Hiil Sammane?!!"Siyaasi Muniir Axmed Cigaal

0
Wednesday January 23, 2019 - 10:56:52 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Oday Cabdi Haybe Wuxuu Yidhi 'Fadal Hala Ixtiraamo' Hadalkiisu Ma Hiil Taliyaa Mise Waa Hiil Sammane?!!"Siyaasi Muniir Axmed Cigaal

    Oslo-(Caalami-News)-Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka dareen celiyey hadal uu warbaahinta siiyey Siyaasi Cabdi Haybe oo hore xilal uga soo qabtay xukuumadihii hore ee Somaliland wakhtiganna ka tirsan xi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oslo-(Caalami-News)-Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka dareen celiyey hadal uu warbaahinta siiyey Siyaasi Cabdi Haybe oo hore xilal uga soo qabtay xukuumadihii hore ee Somaliland wakhtiganna ka tirsan xisbiga WADDANI kaasi oo difaacay eedo muddooyinkii dambe loo soo jeedinayay Booliska Somaliland.




 

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal ayaa qoraal kooban oo uu maanta ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu yidhi: "Oday Cabdi Haybe oo aanu isku WADDANI nahay wuxuu yidhi " Fadal Ha la ixtiraamo”. Ma hiil Boolisba? ma hiil Taliya? ma hiil Samanaa?!


 

 

Booliska Jamhuuriyadda Somalilnad waa dhab waa ciidamo aan qaadan mushahar ku filan, ma helaan tababar iyo imkaaniyaadkii ciidan dhaqaalaha Dalka awgii iyo qorshe dhammaystiran oo aan marna loo dejin. In kasta oo ay ku ammaanan yihiin dadaalka ay mujiyeen hadana in badan ayaa ka dhiman oo ay ugu wayntahay dib-u eegis kor iyo hoosba ah in la sameeyo. Maanta Burco Askari Boolis ah ayaa rasaas uu furay Dhib iyo dhaawac gaysatay, qaylada Xabsiyadeena ka taagan waynu ognahay hadana Dadka qaar ayaan arkaa leh Booliska yaan la soo hadal qaadin!



 

Waar Adeer aynu wax hagaajisano oo Booliskeena siduu yahay ka sii qurxino oo Saxiibka Dadweynaha ka dhigno ma qadafbaa? Maya maha walal Kii u arkaa waa yeelkii: Anigoo Ixtiraamaya waxaan Saxaafadda ku arkaayay Oday Cabdi Haybe oo leh "Taliye Fadal ha la daayo ". Oday Cabdi Haybe Waan garanwaayay sababta uu sidaa u leeyahay, Fadal Guri uu leeyahay ma jooge xil Qaran ayuu hayaa, in la faleeyo lagu dhaliilo wixii ka qaloocdana waa daw iyo gar . Hiilka Cabdi Haybe waxaan garan waayay waa mid halkee ah . 


Ma mid Boolis difaac ahba? ma mid Taliye Fadal ahba mise waa mid Samane Difaac ah ? Aniga ka iigu xiga hadduu wax qaribo qofka ugu horeeeya ee ku qaylinaaya ayaan ahay . Wasiirkaygii Axmed Faarax ayaan ugu qayla badnaaba waayo Kala aragti ayaanu ahayn … Anigu ta Oday Cabdi Haybe mid ka duwan ayaan qabaa oo ah .

 

 

Madaxweyne adigoo mahadsan habaynta Ciidanka Booliska ku noqo qayladoodu dami waydaye, Madaxweyne maraa waaxid Taliye Fadalna mid dhaama ku badal Hadad Jeclaysatay guul wadayntiisana dee Iska hayso kuwii ka horeeyayba way haysteene.

 

Sawirkan Sare waa mar ciidamadda Boolisku Iga xidheen Huteel Maansoor: Mala 20-ba hal

 

Mar igu dagay iyadoo ay igu filayd gaadhiga soo fool.. Wakhtigaas waxa ila socday Jamaal Cali Xuseen oo aanu Saxiib dhaw nahay .


 

Tusan

 



Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip