Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Sayladda Xoolaha Ee Magaalada Hargeysa [+SAWIRRO]

0
Wednesday February 06, 2019 - 16:49:19 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Sayladda Xoolaha Ee Magaalada Hargeysa [+SAWIRRO]

    Hargeysa-(Caalami-News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay sayladda Xoolaha ee Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay sayladda Xoolaha ee Hargeysa.




Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu kormeerkiisa ku jirey waxa uu indho indheeyey habsami-u-socodka hawlaha wax kala iibsi ee ka socda sayladda xoolaha Hargeysa oo ah goob uu ka socdo ganacsi ballaadhani.

 


Xubno kamid ah guddida maamusha sayladda Xoolaha ee Hargeysa, ayuu madaxweynuhu ka dhegaystay warbixin kooban oo ku saabsan duruufaha kala duwan ee ku xeeran dadka ku ganacsada sayladda iyo xoolaha halkaas lagu kala iibsado oo u baahan daryeel joogto ah oo xagga cawska iyo biyaha ah.

 



Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa ugu baaqay inay ka hawlgalaan sidii ay u dhammaystiri lahaayeen wax kasta oo ay u baahan yihiin dadka iyo xoolaha ku sugan sayladdu, sida Biyaha, cuntada iyo hadhka.

Image may contain: 2 people, people smiling, beard


 

Image may contain: 6 people, people smiling, people sitting, crowd and outdoor

Wa-bilaahi Tawfiiq

 




Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip