Imaaraatka Carabta Oo Lagu Eedeeyay In Ay Hub Siiyay Kooxo Maleeshiyaad Ah

0
Thursday February 07, 2019 - 10:45:08 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraatka Carabta Oo Lagu Eedeeyay In Ay Hub Siiyay Kooxo Maleeshiyaad Ah

    Riyaad-(Caalami-News)-Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu hub siinayo maleeshiyaadka ka dagaallama dalka Yemen, hubkan waxaa Imaaraataka markii hore siiyay Mareykanka, sida ay sheegtay ha'yadda Amnesty International.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Riyaad-(Caalami-News)-Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu hub siinayo maleeshiyaadka ka dagaallama dalka Yemen, hubkan waxaa Imaaraataka markii hore siiyay Mareykanka, sida ay sheegtay ha'yadda Amnesty International.




Sida ku xusan warbixinta ha’yadda, gawaarida tikinikada ah, madaaficda iyo hub kale ayaa loo weeciyay kooxo aan la xisbaatamin oo lagu eedeeyay in dalkaasi ay ka geysteen dambiyo dagaal.

 


Imaaraatka Carabta ayaa ka qeyb ah xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro maleeshiyaadka Xuuthiiyiinta ee dalka Yemen.

 



Imaaraatka kama uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay balse waxaa uu beeniyay inuu jebiyay xeerka hubka uu kasoo dhoofsado Mareykanka.

 


Salaadadii, sarkaal sare oo Amerikaan ah ayaa sheegay inay baarayaan in hubka la guddoonsiiyay maleeshiyaad iyo in kale.

 


Ugu yaraan 68,000 qof ayaa ku dhimatay dagaallada ka socda Yemen halka 10,700 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Amnesty International waxay sheegtay inay deristay muuqaallo laga soo qaaday dagaal dhawaan ka dhacay magaalada Xuddeydah

Copyright: ARAB 24 VIA REUTERS


Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip