Hargeysa:-Nuxurka War-saxaafadeed Goor Dhaweyd Ka Soo Baxay Xarunta Xisbiga KULMIYE

0
Thursday February 07, 2019 - 13:49:58 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:-Nuxurka War-saxaafadeed Goor Dhaweyd Ka Soo Baxay Xarunta Xisbiga KULMIYE

    Hargeysa-(Caalami-News)-Xog-hayaha xisbiga midnimada iyo horumarka ee KULMIYE, Mudane Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Waxdad), ayaa baaq ku saabsan qaadashada kaadhadhka shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE u diray dhammaanba xubnaha ku jira jira g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Xog-hayaha xisbiga midnimada iyo horumarka ee KULMIYE, Mudane Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Waxdad), ayaa baaq ku saabsan qaadashada kaadhadhka shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE u diray dhammaanba xubnaha ku jira jira golaha dhexe ee xisbigaas.





Xoghaye Mustafe, ayaa dhammaanba xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay maalinta Axadda ah ee soo socota oo bisha labaad ee Jeeniweri tahay 10-ka ay kasoo xaadiraan xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay caasimadda Hargeysa, halkaas oo ay ka bilaabmi doonto samaynta kaadhadhka shirka golaha dhexe lagaga qaybgeli doono.



Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Mudane Mustafe Maxamed Yoonis isaga oo baaq u diraya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga waxa uu yidhi, "Waxan isugu yeedhayaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE inay 10/02/2019-ka siddeeda subaxnimo xarunta dhexe ee xisbiga yimaaddaan, iyaga oo hore usoo qaadanaya laba sawir oo loogu samayn doono kaadhkii ay kaga qayb-qaadanayeen shirkii lixaad ee golaha dhexe ee ka dhici doona Boorama. "

Image may contain: 1 person, sitting and beard

 


Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip