Hargeysa:-Dhakhtar Yurub Uga Soo Duulay Si Uu u Kabo Harimacad Lug Ka Jabay

0
Monday February 11, 2019 - 09:17:41 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:-Dhakhtar Yurub Uga Soo Duulay Si Uu u Kabo Harimacad Lug Ka Jabay

    Hargeysa-(Caalami-News)-Dhawaan waxaa magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland lagu daaweeyey Harimacad lug ka jabay oo dhakhaatiir ajnabi ah ay uga yimaadeen dibadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Dhawaan waxaa magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland lagu daaweeyey Harimacad lug ka jabay oo dhakhaatiir ajnabi ah ay uga yimaadeen dibadda.




Somaaliland waxa ay sanadkii 2015-kii soo saartay xeerka duurjoogta iyo keeymaha, kaasi oo mamnuucaya in dalka laga dhoofiyo duurjoogta iyo in si gaar ah dadka ay guryahooda ugu haystaan xayawaanada duur-joogta ah.

 


Wariyaha BBC-da Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil oo khadka teleefoonka kula xidhiidhay Huda Cali Banfas oo ka tirsan hay'adaha maxalliga ah ee ka howgala Somaliland, ayaa u sheegtay in Harimacadka gacanta dawladda soo galay kadib markii bishii siddeedaad ee sanadkii tagay lagu qabtay rag doonaayay in ay xeebaha Somaaliland ka dhoofiyaan.



 

''Harimacadku waxa uu dhaawacmay afar cisho ka hor isagoo xeradiisa ku jira'', ayay tidhi Huda.

 

''Lugta dambe ayuu dhaawac kasoo gaaray oo lafbaa jabtay kadibna dhakhtar ayaa Yurub laga soo diray oo qalniin ku sameeyay'', ayay intaasi ku dartay Huda Cali.

 



Harimacd

Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip