Imaaraadka Oo War Cusub Kasoo Saaray Maal-gashi Uu Ku Sameynayo Dalka Somalilnad

0
Saturday February 23, 2019 - 13:52:49 in Wararka by Abdi A.
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka Oo War Cusub Kasoo Saaray Maal-gashi Uu Ku Sameynayo Dalka Somalilnad

    Hargeysa-(Caalami-News)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Somaliland ay hoggaaminayso dalalka Afrika ee ay siiyaan maalgashiga tooska ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Caalami-News)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Somaliland ay hoggaaminayso dalalka Afrika ee ay siiyaan maalgashiga tooska ah.



Warsidaha East African Business Week , ayaa daabacday warbixin ka soo baxday Xafiiska Maalgashiga Dibadda ee Tooska (FDI) ee Imaaraadka oo shaaciyey in Somaliland hormuud ka tahaymeelaha ay maalgashanayaan, waxaana kaalinta labaad ku jira dalka Masar.

 

 



Dawladda Imaaraadku Waxay caddeysay inay Somaliland wax kala qabanayaan dhinaca casriyeynta dekedda Berbera oo ay gelinayaan dhaqaale lagu qadaray 442 Milyan oo Doolar, Isla markaana ay saldhig Millatari ka furanayaan magaalo xeebeedda Berbera bisha June ee sannadkan.

 


Sidoo kale waxa Xafiiska maalshiga FDI ee dalka Imaaraadku sheegay inay doonayaan inay noqoto dekedda Berbera marin biyoodka ugu muhiimsan ee Geeska Afrika.

 


Mashaariicda ay maalgashanayso Imaaraadk Carabtu waxay iskugu jiraan horumarinta dekedaha, Gaadiidka, macdanta, cusboonaysiinta tamarta, deegaanka iyo horumarinta adeegyada maaliyadda.

 

 


Siday faafisay Wakaalladda Wararka Somaliland (SOLNA) oo soo xigatay warbixinta East African Business Week, oo ku warantay in wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar oo hore u ahaan jiray Wakiilka Somaliland ee Imaaraadku uu kaalin weyn ka qaatay suurtogelinta iskaashiga iyo maalgashiga Imaaraadka Carabtu ka fulinayo Somaliland.

 




Caalaminews/Hargeysa

info@caalaminews.com

 

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip